KNEC oo soo saartay natiijada imtixaanka KPSEA

0
181

Golaha imtixaanaadka qaran ee KNEC ayaa si rasmi ah u soo saaray natiijada qiimeynta waxbarashada ardayda fasalka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe ee KPSEA ee sanadkii hore ee 2024-kii.
KNEC ayaa warbixinteeda ku shaacisay in natiijada laga heli karo barteeda manhajka ardayda xilli hore looga soo dhiso dhanka xirfadaha ee CBC-da.
Golaha ayaa dugsiyada ku boorriyay in ay bartaan adeegsadaan si ardaydii sameeyay imtixaanka KPSEA loola wadaago natiijadooda.
Imtixaanaadka ayay ardayda u fadhiisteen intii u dhexeysay 28-kii bishii Tobnaad ee Oktoobar ilaa iyo 30-kii isla bishaasi ee sanadkii hore.
Waxaa qiimeynta KPSEA sameeyay 1.2 milyan oo arday ah oo dhigta fasalka 6-aad ee Grade 6.
Sida laga soo xigtay golaha imtixaannada qaran ee KNEC , qiimeynta KPSEA ayaa looga gol-leeyahay in lagu hubiyo heerka aqooneed ee ardayda.