Ururka dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee KUCO ayaa shaaciyay in 14 cishe ka dib xubnaha dalladdan ka tirsan ay guda geli doonaan shaqo joojin.
Xoghayaha Guud ee KUCO George Gibore iyo guddoomiyaha ururkan Peterson Wachira ayaa dalbaday in si buuxda loo dhaqangeliyo dhammaan qodobbadii heshiiskii ay dowladda la saxiixdeen bishii Sagalaad ee sanadkii hore.
Waxay dowladda dhexe iyo ismaamullada ku eedeeyeen in aynan dhaqangelin waxyaabo la isku afgartay in kastoo ay maxkamadda sidaasi ku amartay.
Xoghayaha Guud ee KUCO George Gibore ayaa warbaahinta u faahfaahiyay tabashooyinkooda.