Gideon Kibet oo sidoo kale loo yaqaano Kibet Bull, ayaa ku boorriyay dowladda inay ixtiraamto xurriyatul qowlka ama ay adeegsato xeerarka dalka si ay u maareyso dadka dhaleeceeya xukuumadda.
Kibet, oo caan ku ah sameynta sawir-gacmeedka dhijitaalka ah ayaa la soo daayay shalay ka dib markii laga afduubtay magaalada Nairobi 24-kii bishii hore ee Diseembar.
Gideon Kibet ayaa sheegay in dadkii afduubay ay ku dajiyeen deegaanka Luanda ee ismaamulka Vihiga subaxnimadii hore ee shalay.
Kibet ayaa xusay in uu qorshaynayo in uu hoos u dhigo dhaq-dhaqaaqiisa dhanka baraha bulshada inta uu ka soo kabanaya afduubkiisii 13-ka maalmood ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu ku boorriyay xukuumadda inay ka fogaato afduubka.
Gideon Kibet oo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay inuu xilli dambe ka hadli doono qorshihiisi ku aadanaa inuu waxbarasho u tago Israa’iil.
Siideyntiisa ayaa noqotay kiiskii Shanaad ee dad la waayay oo si lama filaan ah uga soo muuqday qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Kiplangat oo laga afduubtay magaalada Nairobi, laga helay ismaamulka Machakos, halka Kavuli oo lagu afduubay Ngong, laga helay ismaamulka Kitale.
Adeegga qaran ee booliiska NPS ayaa iska fogeeyay eedeeymaha ah in saraakiisha booliiska ay ka dambeeyaan dhacdooyinkan.
Sidoo kale, madaxweyne Ruto ayaa arrintan iska fogeeyay, isagoo ka dalbaday taliyaha guud ee booliska Douglas Kanja iyo adeegga qaran ee NPS inay warbixin ka siiyaan afduubka.