Senatarka ismaamulka Nyandarua John Muhia Methu ayaa warqad u qoray guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi.
Waxaa uu doonaya in Kingi uu isugu yeero senatarrada si ay u yeeshaan kal-fadhi gaar ah oo looga hadlaya dhacdooyinkii afduubyada ee dhawaan waddanka ka dhacay.
Methu ayaa hoosta ka xarriiqay in arrintan oo laga hadlo ay leedahay muhiimad qaran.
Waxaa uu tilmaamay in afduubyada ay yihiin kuwo ku xadgudbaya xurriyadda iyo xuquuqul aadanaha aasaasiga ah ee ku qeexan dastuurka dalka.
Senatar Methu ayaa tusaale u soo qaatay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS iyo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha afduubyada .
Waxaa uu xusay in ay suurtagal tahay jiritaanka qayb gaar ah oo abaabulan oo aan ka amar qaadan taliyaha guud ee booliiska.
Senatarka Nyandarua ayaa sheegay inay u muuqato in si gaar ah loo bartilmaameedsanaya shakhsiyaadka dowladda dhaliila sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in aqalka sare uu qaado tallaabooyin dowladda looga dalbanaya in ay joojiso dhaqamada sharci darrada ah.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo aan weli meel lagu ogeyn Steve Mbisi oo ka mid ahaa dhallinyaradii la afduubtay ee qaarkood shalay la soo siidaayay.