Madaxweynaha dalka oo u safray waddanka Ghana

0
226

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa galabta u ambabaxay waddanka Ghana.
Waxaa uu magaalada Accra uga qayb geli doonaa xafladda dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweynaha dalkaasi ee la doortay John Mahama.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale la filayaa inuu halkaasi kula kulmo madaxa kale oo ka qayb geli doonta caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Ghana.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu dhiggiisa Ghana John Mahama kula kulmay magaalada Kilgoris ee ismaamulka Narok.
Waxaa kulankaasi ku wehelinayay musharraxa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila Odinga.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay xoojin doonto xiriirka kala dhexeeya Ghana gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga , beeraha , soo saaridda macdanta , dalxiiska iyo shidaalka.
Ruto iyo Mahama ayaa xilligaasi ka wada hadlay in la sii ballaariyo ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika iyadoo loo maraya aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika ee (AfCFTA).
Waxaa uu sheegay in ay hoggaamiyaha Ghana uga mahadceliyeen taageerada uu u muujiyay musharraxnimada Raila Odinga ee jagada AUC-da.