Waxaa ismaamulka Mombasa lagu dilay Aisha Akinyi Abubakar oo ahayd sarkaal sare oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC laantiisa dowlad deegaanka Kilifi.
Tani ayaa timid ka dib markii xalay lagu soo weeraray hooygeeda halkaasi oo ay kooxdii falkan gaysatay sidoo kale ku dhaawacday wiilkeeda oo 18 sano jir ah laguna magacaabo Khasim Xassan.
Dilka ayaa abaare 3-dii habeennimo ee xalay ka dhacay xaafadda Utange –Mkunguni ee deegaan baarlamaaneedka Kisauni ee ismaamulka Mombasa.
Warbixinta booliiska ayaa muujinaysa in labo ruux oo burcadnimo lagu tuhmaya ay gooyeen daaqadda jikada halkaasi oo ay guriga ka galeen.
Weerarka oo wiilka lagu gaarsiiyay dhaawac culus ayaa loo adeegsaday mindi.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in mid ka mid ah burcadda uu wajiga soo duubtay waxayna madaxa ka jareen hooyada iyagoo halkaasi kala baxsaday taleefoonkeeda gacanta , shaashad mise telefishin, hannaanka cod-baahiyaha ,agabka iPad-ka iyo taleefoon kale ka hor inta aynan goobta ka baxsan.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in Khasim uu isagoo dhaawac ah hooyadiisa geeyay isbitaalka Premier Hospital oo ay isla markiiba ku geeriyootay.
Booliiska ayaa sheegay in wiilka dhaawaca ah la daaweeyay oo aynan hadda xaaladiisa caafimaad liidan.
Ciidamada ammaanka ayaa billaabay baaritaanno la xiriira dhacdadaasi si loo soo qabto eedeysanayaasha lala xiriirinaya.
Waxaa falkaasi cambaareeyay qaar ka mid ah ehellada iyo wiilka hooyada la dilay.
Dilka Aisha Akinyi Abubakar ayay ku tilmaameen mid aan la rumeysan karin oo si wuxushnimo ah loo fuliyay iyagoo saraakiisha ammaanka ka codsaday in ay dabagal ku sameeyaan oo ay gacanta ku soo dhigaan burcadda si qoyskan uu cadaalad u helo.