Meydadka labo ruux oo horraantii bishan la waayay oo la helay

0
511

Meydka nin 26 sano jir ahaa oo laga waayay deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi ayaa laga helay isla deegaankaasi.
Ian Singoe ayaa la sheegay inuu ismaamulka Bomet ka soo safray 29-kii bishii hore ee Diseember, si uu dhameystiro howlo shaqo la xiriira.
Hooyada Sigoe oo lagu magacaaba Pauline Korir, ayaa sheegtay in habeennimadii 31-dii ee bishii hore uu wiilkeeda uu baxay islamarkaana uu kula kulmay qaar ka mid ah asxaabtiisa goob madadaalo ah oo ku taalla deegaanka Kasarani.
Hasa ahaate, ma uusan ku soo laaban gurigii uu degganaa.
Meydka Ian ayaa laga helay aagga Mwiki ee deegaanka Kasarani, waxaana billowday baaritaanno arrinkan ku aaddan.
Dhanka kale ,dadka deegaanka Kawaida ee ismaamulka Kiambu ayaa helay meydka nin 27 sano jir ahaa kaas oo la waayay galabnimadii Jimcaha.
Ninka geeriyooday oo lagu magacaabo John Muchiri Muthoni ayaa markii ugu dambeysay la arkay 3-dii bishan abbaare 3-dii galabnimo.
Gabadh uu xiriir kala dhexeeyay ayaa ku andacootay in la soo wacay ka dibna loo tilmaamay halka meydkiisa uu yaalla.
Meydka John Muchiri ayaa la geeyay qaybta meydadka la dhigo ee isbitaalka Kihara, wuxuuna qorshuhu yahay in berri lagu sameeyo qalliin baaritaan ah.