Guddoomiyihii guddiga KNHCR oo geeriyootay

0
335

Waxaa lagu soo warramayaa in ay geeriyootay guddoomiyihii guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee (KNCHR) Roseline Odhiambo-Odede, ka dib markii ay muddo yar xanuunsanayd.
Geerideeda ayaa waxaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka guddiga KNCHR Raymond Nyeris.
Waxaa uu geerida haweeneydan ku tilmaamay dhabarjab weyn oo soo wajahay guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee KNCHR.
Guddiga KNCHR ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta ay ka geeriyootay Roseline Odhiambo-Odede.
Roseline Odhiambo ayaa dabayaaqadii sanadkii 2021-kii, madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta u magacaabay inay noqoto guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee (KNCHR).