Guddoomiyaha ismaamulka Kwale Fatuma Maxamad Achani ayaa waalidiinta dowlad deegaankaasi ku boorrisay in ay laamaha ammaanka fursad u siiyaan la tacaalidda falal dambiyeedyada ay gaystaan carruurtooda.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay jiraan kooxo dhallinyaro ah oo sameeya falal dambiyeedyo balse qaar ka mid ah waalidiinta ay qariyaan ama marka la xiro ka dib ay isku dayaan in ay xabsiyada ka soo siidaayaan.
Waxay barasaabka Kwale sheegtay in tani ay caqabad ku tahay dadaallada lagu xaqiijinaya cirib tirka burcadda dhibaateysa shacabka ismaamulkaasi.