Culeys ku yimid barta eCitizen oo saameeyay dalxiisayaal

0
379

Dalxiisayaasha booqanayay seeraha qaran ee Nairobi National Park ayaa ku xayirmay iridda goobtaasi ka dib cillad ku timid adeegga casriga ah ee eCitizen.
Adeeggan ayaa loo isticmaala in lagu bixiyo lacagaha lagu galo xarumaha dowladda.
Dowladda ayaa 2024-kii amartay in dhammaan adeegyada dowladda lagu bixiyo hannaanka eCitizen-ka.
Dadka maanta goobtaasi ku xayirmay ayaa sheegay in qaarkood ay sugaayeen ugu yaraan 3 saacadood si adeegga eCitizen ee cilladoobay loo hagaajiyo.
Cilladdan ayaa loo aaneynayaa isticmaalka faraha badan ee ay dadka isku dayaayaan in ay is diiwaangeliyaan oo ay lacagta bixiyaan isku mar.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ay dowladda go’aansatay arrinkan iyadoo la raacayo ballanqaadkii uu sameeyay xilligii doorashada guud ee sanadkii 2022-kii.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu joojiyo lunsashada dhaqaalaha dowladda.
Sida ay sheegtay dowladda, in ka badan 16,000 oo adeegyo ah ayaa laga heli karaa eCitizen .
Hasa ahaate, waxaa jira qaar ka mid ah shirkadaha iyo hay’adaha dowliga oo aan weli iska diiwaangelin bartan casriga ah.