Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da laanteeda xaafadda Kilimani ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay Meshack Kipleting Tarbei.
Ninkan oo ah agaasimaha shirkadda gawaarida ee Motorshop East Africa Limited ayaa looga shakisan yahay in uu sameeyay falal wax isdabamarin ah.
Sida laga soo xigtay DCI-da, Tarbei ayaa ahaa baxsad in ka badan hal sano ka dib markii lagu eedeeyay in uu dad badan ka lunsaday lacagtooda.
Tarbei ayaa si lama filaan ah u xiray xafiiskiisa oo ku yaallay dhismaha Marsabit Plaza ee waddada Ngong Road, ka dib markii ugu yaraan 9 dhibbanayaal ah ay dacwad uga gudbiyeen saldhigga booliiska ee Kilimani.
Meshack Tarbei ayaa laga soo xiray xaafadda King Serenity estate ee Rongai oo uu ku dhuumanayay ka dibna loo taxaabay xafiiska DCI-da ee xaafadda Kilimani, wuxuuna maraya geeddisocodka baaritaannada ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Saraakiisha ayaa qabo tuhun ah in ay jiraan dhibbanayaal kale oo dacwad ka dhan ah Tarbei u gudbiyay saldhigyada kale ee booliiska ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa ay sheegeen in ay isu gaynayaan dhammaan cabashooyinka laga diiwaangeliyay saldhigyada kale si dadka cabanaya ay u wada helaan cadaalad.