Dowladda oo isbeddello ku sameysay ka ganacsiga gaaska cuntada lagu karsado

0
290

Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Opiyo Wandayi ayaa soo saaray tallaabooyin cusub oo la doonaya in lagu maamulo ganacsiga la xiriira gaaska cuntada lagu karsado.
Waxaa tallaabooyinkan ka mid ah in haamaha gaaska keliya la buuxin karo inta u dhexeysa 6-da subaxnimo ilaa 6-da maqribnimo haddii aan oggolaansho kale laga haysan maamulka qaabilsan adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee (EPRA).
Sidoo kale ,kaalimaha shidaalka ayaa laga doonaya in ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka EPRA si loo yareeyo khatarrada ka dhasha shidaalka noocyadiisa kala duwan.
Dowladda ayaa sheegtay in cid kasta oo gaaska ka ganacsata laga doonaya in ay haysato shati haddii kalena la saaraya ganaax culus iyo in laga xiro shaqadeeda.
Tani ayaa imaanaysa ku dhawaad hal sano ka dib markii qarax ka dhashay gaas oo laga soo tabiyay Embakasi ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.