Madaxweyne Ruto oo mar kale sheegay in Raila uu u qalmo hoggaaminta AU-da

0
193

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga uu u qalmo inuu qabto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Arrintan ayuu ka sheegay xaflad dhaqameed uu uga qayb galayay deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya.
Waxaa uu dhigiisa Uganda Yoweri Museveni uga mahadceliyay taageerada uu u muujiyay musharraxnimada Odinga ee jagada AUC-da.
Waxaa uu ku celceliyay in Raila uu yahay shakhsi leh aragti fog oo ku aaddan xoojinta midnimada,nabadgalyada iyo horumarka gobolka iyo si guud qaaradda Afrika.