Mr. Francis Ng’ang’a Gaitho oo ka mid ah shakhsiyaadka baraha bulshada ku dhaliila dowladda ayaa sheegay inuu maalinka Isniinta ee 6-da bishan Jannayo iska xaadirin doono xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu halkaasi tagi doono abaare 10-ka barqannimo isagoo ay wehelinayaan qareennadiisa.
DCI-da ayaa sheegtay in shakhsigan uu yahay qof ku eedeysan falal dambiyeedyo kala duwan.
Waxaa loo haystaa inuu daabacay oo uu faafiyay macluumaad been abuur ah.
DCI-da ayaa hoosta ka xarriiqday in Gaitho sidoo kale uu wajahaya dafiraadda amar maxkamadeed maadaama loo yeeray 4-tii bishii hore ee Diseembar balse uunan tagin.
Taasi ayaa keentay in maxkamadda Milimani ee ismaamulka Nairobi ay soo saarto warqad waaran ah oo lagu soo xiraya Gaitho.
Waxaa uu sidoo kale ku eedeysan yahay inuu faafiyay macluumaadka khaaska ah ee sarkaal sare oo dowladeed.