Sakaja oo qarashaadka caafimaadka ka cafiyay 81 hooyooyin ah

0
275

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa cafiyay bixinta in ka badan 2.5 milyan oo shilin oo ah qarashaad caafimaad.
Waxaa lacagahan lagu yeeshay 81 hooyooyin ah oo ku xayirmay ilaa afar isbitaal oo ku yaalla caasimadda dalka.
Waxaa arrintan xaqiijiyey madaxa fulinta ee isbitaalka Mama Lucy Kibaki Hospital, Martin Wafula.
Waxaa uu sheegay in lacagihii lagu lahaa 25 hooyooyin ah oo gaaraya 987,345 oo shilin lagu bixiyay caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA.
Sidoo kale, 17 hooyooyin ah ayaa laga saaray isbitaalka Mbagathi waxayna u xayirnaayeen bixinta 782,100 oo shilin.
Isbitaalka umusha ee Pumwani waxaa iyagana laga saaray 28 hooyooyin ah oo lagu yeeshay 420,000 oo shilin sida ay xaqiijisay madaxa fulinta ee isbitaalkaasi Christine Kiteshu.
Madaxa fulinta ee isbitaalka Mutuini ,Fredrick Obwanda ayaa isna xaqiijiyay in la fasaxay 11 hooyooyin ah oo laga doonayay in ay bixiyaan 330,000 oo shilin.
Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay wanaajinta daryeelka caafimaad.