DHAGEYSO:Siyaasiyiinta mucaaradka oo dhaliil u jeediyay madaxweyne Ruto

0
299

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhiggiisa DAP-K Eugene Wamalwa ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeyay maamul xumo.
Waxay sheegeen in maamulkiisa uunan ku guulaysan wax ka qabashada falalka musuqmaasuqa.
Eugene ayaa soo hadal qaaday warbixintii uu dhawaan soo saaray mashruuca ka warbixiya dambiyada abaabulan iyo musuqmaasuqa ee (OCCRP) kaasi oo madaxweyne William Ruto u aqoonsaday inuu yahay shakhsiga labaad ee caalamka ugu musuqmaasuq badan.
Waxaa ka horreeyay oo kaalinta koowaad ee shakhsiga ugu musuqmaasuqa badan galay madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Syria Bashaar Al-Assad.
Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa sheegay in ay qasab tahay in ka hor dhammaadka bisha Saddexaad ee sanadkan la dhameystiro guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC si loogu diyaar garoobo codeynta guud ee sanadka 2027-da.
Siyaasiyiintan oo arrimahan ka hadlay xilli ay ku sugnaayeen ismaamulka Trans Nzoia ayaa yiri.