DHAGEYSO:Baadariyaasha oo ku baaqay in la joojiyo afduubyada

0
146

Baadariyaasha kaniisadaha kala duwan ee waddanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay ka shaqeyso sidii lagu soo afjari lahaa afduubyada loo gaystay qaar ka mid ah dhallinyarada.
Madaxda kaniisadaha ayaa dhanka kale kenyaanka kula taliyay in ay ku dadaalaan nabadgalyada iyo xoojinta midnimada.
Lawrence Bongo oo ka mid ah baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ee ismaamulka Nakuru ayaa sheegay in aan la iska indha tiri karin afduubyada .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda laga doonaya in ay mudnaan siiso cadaaladda iyo ilaalinta xeerarka dastuuriga ah.

Hoggaamiyaasha ayaa sheegay in aynan marnaba ka gaabin doonin la xisaabtanka mas’uuliyiinta.