Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa beeniyay in dokumeenti lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto uu yahay liiska saraakiisha booliiska ee loo xil saaray in ay soo xiraan dibadbaxayaal xilligii ay dhacayeen mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah ismaamullada waddanka ay ka qabsoomeen dibadbaxyo lagu dalbanaya in la soo afjaro falalka afduubyada ah ee la soo tabiyay.
Hasa ahaate, adeegga NPS ayaa hoosta ka xarriiqay in liiska la faafiyay uu yahay mid iska caadi ah oo la xiriira jadwalka shaqo ee booliiska.
Waxaa bayaanka ku cad in dokumeentigaasi uunan ku saabsanayn ama loogu tala gelin la tacaalidda dibadbaxyada.
Waxaa sidatan sheegtay afhayeenka booliiska dalka Resila Onyango oo dadweynaha ugu baaqday in ay ka digtoonaadaan faafinta macluumaadka aan saxda ahayn ee looga gol-leeyahay kicin shacab.