Madaxweynaha dalka oo digniin u diray qandaraasleyda

0
358

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa digniin adag u diray qandaraasleyda dib u dhiga ama aan xilliga lagu heshiiyay ku dhameystirin fulinta mashaariicda muhiimka ah ee dowladda.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay oofinta waxyaabihii ay dadweynaha u ballan qaadday.
Ruto ayaa ismaamulka Kisii ka sheegay in aan marnaba loo dulqaadan doonin qandaraasleyda saameeya dadaalka dowladda.
Madaxweynaha ayaa 2025-ka ku sheegay sanadka fulinta qorshayaasha horumarineed.
Waxaa uu intaasi ku daray inuunan ku qancin fulinta mashruuca xarunta cudurka kansarka ee Kisii Cancer Centre oo uu maant kormeeray.
Madaxweynaha ayaa qandaraaslaha barnaamijkaasi loo igmaday ka dalbaday inuu ku dhameystiro waqtigii lagu heshiiyay haddii kale waxba kama jiraan laga soo qaadi doono qandaraaska la siiyay.
Ruto ayaa xusay in lacagta la wada bixiyay sidaasi awgeedna aynan jiri karin sabab aan loo sii fulin mashruuca.