Madaxweynaha dalka oo loo aqoonsaday shakhsiga labaad ee caalamka ugu musuqmaasuqa badan

0
582

Mashruuca ka warbixiya dambiyada abaabulan iyo musuqmaasuqa ee (OCCRP) ayaa madaxweynaha dalka William Ruto u aqoonsaday inuu yahay shakhsiga labaad ee caalamka ugu musuqmaasuq badan.
Waa ka horreeya oo kaalinta koowaad ee shakhsiga ugu musuqmaasuq badan galay madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Syria Bashaar Al-Asad.
Ururka ay mideysan yihiin saxafiyiinta dabagalka ku sameeya warbixinnada ayaa sharraxay in hoggaamiyihii hore ee Syria uu helay sumcad xumada ugu sarreysa ee hoggaaminta.
In ka badan 40,000 oo ka mid ah dad ka qayb galay codbixin la xiriirta shakhsiga ugu musuq badan caalamka ayaa doonayay in madaxweyne William Ruto oo kaalinta koowad galo.
Hasa ahaate, waxaa ka sare maray madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Syria Bashaar Al-Asad..
Maamulka madaxweyne William Ruto ayaa lagu eedeeyay lunsashada kheyraadka dadweynaha, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo hindise sharciyeedkii maaliyadda ee muranka badan dhaliyay ee Finance Bill 2024.
OCCRP waa shabakad caalami ah oo saxafiyiin ah kuwaas baaris iyo dabagal ku sameeya dambiyada abaabulan iyo musuqmaasuqa.
Waxaa OCCRP la aasaasay sanadkii 2006-dii.