Madaxweynaha dalka oo qiray in ciidamada booliiska ay mararka qaar adeegsadaan awood xad dhaaf ah

0
333

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ciidamada ammaanka looga baahan yahay in ay isku dheelli tiraan sugidda nabadgalyada iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee kenyaanka.
Waxaa uu xusay in mararka qaar ay saraakiisha caqabad ku noqoto in ay dheellitirkan sameeyaan gaar ahaan xilliyada laga falcelinaya khatarrada culus.
Ruto ayaa sheegay in ay jiraan dambiilayaal ka faa’iidaysta dibadbaxyada si ay danahooda u fushaan.
Madaxweynaha ayaa xusay in aan la dafiri karin in ay jiraan xilliyo ay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka adeegsadaan awood xad dhaaf oo sharci darro ah.
Hasa ahaate, waxaa uu dhanka kale tilmaamay inuu jiro geeddisocod ciidamada lagula xisaabtamaya waxqabadkooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa shacabka xusuusiyay in xurriyad kasta ay xaddidaad leedahay oo aan xaqiijinta badqabka dadweynaha iyo nidaamka maamulka ,wax kale laga sare marin karin.
Madaxweynaha qaranka ayaa sheegay in ay qasab tahay in aan marnaba dambiilayaasha fursad loo siin in ay wax u dhimaan hantida iyo badqabka dadka kale.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay aad ugu dadaaleen fulinta waxyaabihii loo ballan qaaday dadweynaha.