Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa ku andacooday in dhallinyarada la waayay ee la sheegay in laamaha ay afduubteen ay ku sugan yihiin guriyaha mudadda kooban la kireeya ee loo yaqaano Airbnbs.
Waxaa uu meesha ka saaray in dowladda ay ka dambeysa afduubyada qaybo ka mid ah waddanka laga soo tabiyay.
Ichung’wah ayaa xusay in afduubyada ay qayb ka yihiin qorshe si wanaagsan loo soo agaasimay oo ay sameeyeen dadka dhaliila maamulka madaxweyne William Ruto si sumcadda maamulkiisa loo xumeeyo.
Kimani Ichung’wah oo sidoo kale ah xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ayaa sida uu hadalka u dhigay ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua inuu soo agaasimay qorshaha lagu sumcadda xumeynayao dowladda dhexe.
Waxaa uu ku andacooday in hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo laga soo doortay deegaannada ismaamulka Nyeri ay soo maleegeen afduubyo, balse qorshahaasi la fashiliyay.
Hadalka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka waddanka ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu dhawaan ballan qaaday in uu soo afjari doono dhacdooyinka la xiriiira afduubka.