Guddoomiyaha cusub ee KRA oo ballan qaaday inuu isbeddello sameyn doono

0
248

Guddoomiyaha guddiga maamulka canshuuraha waddanka ee KRA ee dhawaan la magacaabay Ndiritu Muriithi ayaa ballan qaaday inuu sameyn doono isbeddello dhinaca dhakhli uruurinta ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu dhaariyay xarunta maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay sidii loo sii wanaajin lahaa waxqabadka maamulka KRA.
Ndiritu ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono hoggaanka iyo howlwadeennada KRA si uruurinta canshuurta looga dhigo mid cadaalad ku saleysan.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu adeegsan doono iskaashiyo istaraatiiji ah oo maamulkan kala dhexeynaya waaxyaha dadweynaha iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Ndiritu oo horay u soo noqday barasaabka ismaamulka Laikipia ayaa leh khibrad shaqo oo dhan 33 sano.