Waxaa xilka agaasimaha fulinta ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya loo magacaabay karaanigii hore ee golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Philip Kisia.
Waxaa uu beddelaya Raphael Tuju ka dib soo jeedin ka timid madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Kisia ayaa sheegay inuu aqbalay xilka loo magacaabay wuxuuna intaasi ku daray inuu diyaar u yahay sidii uu u sameyn lahaa isbeddel hoggaamineed.
Waxaa uu dhallinyarada ugu baaqay in ay qaataan aqoonsiga qaran oo ay isku diiwaangeliyaan codbixinta si sanadka 2027-ka uu mucaaradka Azimio ula wareego talada dalka.