Senatarka ismaamulka Busia oo la xiray xilli uu ka qayb galayay mudaaharaadyada looga soo horjeedo afduubyada

0
278

Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah xilli uu maanta ka qayb galayay mudaaharaadyada looga soo horjeeda kiisaska sii kordhaya afduubyada dhallinyarada ee waddanka laga soo tabiyay.
Omtatah ayaa lala xiray dibadbaxayaal kale oo ku mudaaharaadayay aaga Aga Khan ee bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Senatarka ayaa la sheegay in loo kaxeeyay saldhigga booliiska ee Gigiri ee magaalada Nairobi oo su’aalo lagu weydiinayo.
Dhanka kale, senatarka dowlad deegaanka Busia Okiya Omtatah ayaa maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku doonaya in dowladda dhexe lagu qasbo inay soo siidayso 7 qof oo la waayay kuwaas oo la sheegay in la afduubtay.
Omtatah ayaa doonaya in codsigiisa ay ka soo jawaabaan taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja, agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin iyo dhiggiisa dacwad oogidda waddanka Renson Mulele Ingonga.