Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay soo saartay lacag dhan 1.75 bilyan.
Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo mushaaraadka iyo gunnooyinka dhakhaatiirta iyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maraya tijaabada tan iyo sanadkii 2016-kii.
Waxaa sidatan sheegtay xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni.