DHAGEYSO:Madaxda Machakos iyo Kitui oo cambaareeyay afduubyada la soo tabiyay

0
150

Barasaab ku xigeenka ismaamulka Machakos Francis Mwangangi iyo xildhibaanka deegaanka Bartamaha Kitui Dr. Makali mulu ayaa cambaareeyay falalka afduubka ah ee laga soo tabiyay qaybo ka mid ah waddanka.
Waxay sheegeen in dhacdooyinkan ay yihiin kuwo sharci darro ah.
Francis Mwangangi iyo Makali ayaa dowladda ugu baaqay in ay tallaabo ka qaaddo shakhsiyaadka ku xadgudbaya xeerarka dalka u degsan.
Waxay xuseen in dastuurka Kenya uu dhigaya in qofka gacanta lagu dhigo oo la geeyo saldhigga booliiska haddii baaritaanno ka dib uu soo baxo wax dembi ah oo lagu caddeyn kara in maxkamadda loo gudbiyo.

Dhanka kale , dadka u ololeeya arrimaha xuquuqul aadanaha ee magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia ayaa wacad ku maray in ay maanta ku biiri doonaan dibadbaxyada looga soo horjeeda afduubyada ee lagu wado in ay qabsoomaan.