Madaxweynaha dalka oo la kulmay dhiggiisa Ghana

0
199

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhiggiisa Ghana John Mahama kula kulmay magaalada Kilgoris ee ismaamulka Narok.
Waxaa kulankaasi ku wehelinayay musharraxa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila Odinga.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kenya ay xoojin doonto xiriirka kala dhexeeya Ghana gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga , beeraha , soo saaridda macdanta , dalxiiska iyo shidaalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay sii ballaarin doonto fursadaha u furan shacabka labada waddan iyo joogteynta horumarkooda.
Ruto iyo Mahama ayaa ka wada hadlay in la sii ballaariyo ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika iyadoo loo maraya aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika ee (AfCFTA).
Waxaa uu sheegay in ay hoggaamiyaha Ghana uga mahadceliyeen taageerada uu u muujiyay musharraxnimada Raila Odinga ee jagada AUC-da.
Madaxweyne Ruto ayaa oggolaaday inuu bisha soo socoto ka qayb gelo dhaarinta iyo caleemaha saarka madaxweynaha la doortay ee Ghana John Mahama.
Dhanka kale, hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in ay ka xun yihiin shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Kuuriyada Koonfureed oo ay xilligan adag murugada la qaybsanayaan qoysaska dadkii dhacdadaasi ku nafwaayay iyo guud ahaan shacabwaynaha waddankaasi.