Qoyska Lilian Nyambura Mbugua ayaa aad uga naxay in si lama filaan ah loo waayay gabadhooda oo ah 28 sano jir.
Lilian ayaa laga waayay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Gikono ee deegaanka Kabati ee ismaamulka Murang’a labo maalmood ka hor maalintii Christmas-ka.
Haweeneydan ayaa ka mid ah shaqaalaha shirkadda soo saarta khamriga ee East Africa Breweries Limited ee ayaa abaarre 5-tii galabnimo ee maalinkii Isniinta ee 23-kii bishan u baxday bannaanka gurigooda sida uu sheegay adeerkeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaan aqoonsigeda, taleefoonnadeeda gacanta iyo kombiyuutarkeeda ay guriga uga tagtay dib dambane aan loo arag.
Qoyska Lilian ayaa arrintan ku wargeliyay saldhigga booliiska ee Gikono.
Saraakiisha dambi baarista ee magaalada Kenol ee ismaamulka Murang’a ayaa qoyska haweeneydan shalay ku wargeliyay in Lilian Nyambura ay sameysay saddex wicitaan labo maalin ka hor inta aan la waayin.
Booliiska ayaa ku tilmaamay raadinta Lilian in ay tahay mid adag maadaama aysan qaadan taleefoonnadeeda gacanta si dabagal loogu sameeyo.