DHAGEYSO:Xildhibaan sheegay in madaxweynaha uu ka caga-jiidayay in xilka laga qaado Gachagua

0
373

Xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Galbeedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni Mwengi Mutuse ayaa daaha ka qaaday mooshinkii xilka looga xayuubiyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay teleefishinka maxalliga ee Citizen ayuu arrintan ku sheegay.
Bilihii Sagalaad iyo Tobnaad ee sanadkan ayay ahayd markii Kenyaan badan ay aad u xiisaynayeen sababta uu hoggaamiyaha dalka William Ruto uga aamusnaa qorshihii ka dhanka ahaa ku xigeenkiisi.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu adeegsaday awooddiisa iyo xulafadiisa aqalka baarlamaanka si uu meesha uga saaro Rigathi Gachagua.
Hasa ahaate , xildhibaanka deegaanka Galbeedka Kibwezi Mwengi Mutuse oo mooshinkaasi baarlamaanka u gudbiyay ayaa sheegay in arrintan uunan kala hadlin madaxweynaha qaranka.
Mr. Mutuse ayaa sheegay inuu dad u dhow madaxweynaha ka maqlay inuu ka caga-jiidayay in xil ka qaadista Gachagua ay tahay tallaabada saxda ah.

Waxaa uu caddeeyay in mooshinka xil ka qaadista uu ka dhashay walaac dadka kenyaanka ah ay ka qabeen khilaafka u dhexeeyay madaxweyne William Ruto iyo ku xigeenkiisa sidaas awgeedna dalka uu jaho khaldan ku socday.
Xildhibaanka ayaa xusay in diyaarinta mooshinka ay ku qaadatay ugu yaraan hal bil oo isaga iyo qareenno kale ay sameeyeen baaritaanno qoto dheer.
Waxaa uu xusay in ay jireen isku dayo ka yimid dadka u dhow Gachagua oo lagu doonayay in lagu qasbo inuu ka laabto mooshinka.