Ra’iisul Wasaaraha dalka Thailand Paetongtarn Shinawatra ayaa fariin tacsi ah u dirtay qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee laga soo tabiyay Kuuriyada Koonfureed.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Thailand ayaa la faray in ay baaritaan dabagal ah sameyso .
Waxaa baaritaanka lagu hubinaya in ay jiraan rakaab u dhashay Thailand oo saarnaa diyaaradda .
Sidoo kale wasaaradda ayaa laga doonaya in ay fidiso caawimaad degdeg ah sida ku cad qoraal ay Ra’iisul Wasaaraha Thailand soo dhigtay baraha bulshada.