Xildhibaanka deegaanka Galbeedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni Mwengi Mutuse ayaa dowladda ugu baaqay in ay ku dadaasho sidii lagu soo afjari lahaa falalka afduubyada ee laga soo tabiyay gudaha waddanka.
Waxaa uu ku taliyay in la ilaaliyo xeerarka dastuuriga ah.
Mutuse ayaa laamaha ammaanka ku boorriyay in haddii qofka uu wax khalad ah sameeyay in gacanta lagu dhigo oo la geeyo saldhig booliis ka dibna maxkamadda loo gudbiyo marka baaritaannada la sameeya ka dib.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale dhallinyarada kula taliyay in ay si xilkasnimo leh u adeegsadaan baraha bulshada oo ay aad uga taxaddaraan qoraallada, sawirrada iyo muuqaallada ay ku faafinayaan.
Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo booliiska iyo dembi baarayaasha dalka ay sheegeen in aynan ku lug lahayn afduubyada dhacay.