Burundi oo ka hartay howlgalka cusub ee Soomaaliya

0
414

Dowladda dalka Burundi ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in ay ka hartay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dib markii ay ku qanci waysay tirada ciidanka loo qoondeeyay.
Waxay dowladda Burundi go’aankeeda ku wargelisay guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika oo hadda ay ku fadhiso dowladda Jabuuti.
Sidoo kale Burundi ayaa dalbatay in howlgalka cusub loogu daro 2,000 oo askari, halka Soomaaliya ay sheegtay in ay u qoondaysay kun askari.
Dowladda Burundi ayaa horay u shaacisay in tiradaasi kooban ay khatar gelin karto ciidankeeda, maadaama aysan iska difaaci karin cadow badan.
Dhanka kale, ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa warbaahinta qaar ee Soomaaliya u xaqiijiyay in dowladda Itoobiya ay isku dayayso in ay ku qanciso waddamada ciidanka u soo diraya Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM in ay qaadacaan howlgalkaasi.
Itoobiya ayaa dooneysa inay culays amni saarto dowladda Soomaaliya, si caalamka looga gado in Soomaaliya ku socoto waddadii Afghanistan, islamarkaana aan laga maarmin in ciidamada Itoobiya ay waddankeeda ka difaacaan Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa Eritrea iyo Masar ku wargelisay in ay heegan galiyaan ciidamo ka howlgala Soomaaliya, haddii loo baahdo ciidan buuxin kara saldhigyada ay baneeyaan ciidamada Midowga Afrika.