Ruto, Raila, Gachagua, Uhuru iyo Babu Owino oo ka mid noqdeen shakhsiyaadka sanadkan loogu hadal haynta badnaa Afrika

0
268

Shan siyaasi oo Kenyaan ah ayaa lagu aqoonsaday liiska 30-ka shakhsi ee loogu hadal haynta badnaa qaaradda Afrika ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2024-ka.
Waxaa liiskan shaaca ka qaadday shirkadda Top Charts Africa.
Xogtan ayaa lagu saleeyay in shakhsiyaadkan mowduucyadooda ay bulshada aad u hadal hayeen.
Waxaa liiskan ku jira, madaxweynaha dalka William Ruto oo kaalinta labaad ka galay guud ahaan shakhisyaadka qaaradda Afrika ee loogu hadal haynta badnaa sanadkan.
Waxaa ka horreeya oo kaalinta ugu sarreysa soo galay fannaanka u dhashay dalka Nigeria Ayodeji Ibraahim Balogun, oo loo yaqaano Wizkid.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ahna musharraxa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Raila Odinga ayaa soo galay kaalinta shanaad halka madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday ee waddanka Rigathi Gachagua uu liiskan kaga jira kaalinta 12-aad.
Waxaa liiska 30-ka qof sidoo kale ku jira madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta oo galay kaalinta 14-aad iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino oo liiska loogu hadal haynta badnaa qaaradda ka galay nambarka 27-aad.
Hoos ka akhriso liiska 30-ka qof ee loogu hadal haynta badnaa sanadkan ee qaaradda Afrika:
30. Pastor E.A Adeboye – Nigeria
29. Danny Walter – Nigeria
28. Chidimma Adetshina – Nigeria
27. Babu Owino Paul – Kenya
26. Toyin Abraham – Nigeria
25. Sharon Ooja – Nigeria
24. Baltasar Engonga – Equatorial Guinea
23. Victor Osimhen – Nigeria
22. Rose Owosu Konadu – Ghana
21. Reno Omokri – Nigeria
20. Cyril Ramaphosa – South Africa
19. Nyesom Wike – Nigeria
18. Emmanuel Ankrah – Ghana
17. Martin ‘VDM’ Vincent Otse – Nigeria
16. Asake – Nigeria
15. Ademola Lookman – Nigeria
14. Uhuru Kenyatta – Kenya
13. Khosi Twala – South Africa
12. Rigathi Gachagua – Kenya
11. Rema – Nigeria
10. Liyema Pantsi – South Africa
9. Peter Obi – Nigeria
8. Tyla Seethal – South Africa
7. Idris ‘Bobrisky’ Okuneye – Nigeria
6. Aliko Dangote – Nigeria
5. Riala Odinga – Kenya
4. Bola Ahmed Tinubu – Nigeria
3. David ‘Davido’ Adeleke – Nigeria
2. William Ruto – Kenya
1. Ayo ‘Wizkid’ Balogun – Nigeria