Madaxa xisbiga NARC Kenya Martha Karua ayaa ku baaqday in si degdeg oo shuruud la’aan ah loo siidaayo dhammaan shakhsiyaadka la afduubtay.
Waxay ciidamada booliiska ku eedeysay in ay si toos ah mas’uul uga yihiin falalka afduubyada ee ka socda waddanka.
Karua ayaa intaasi ku dartay in dhacdooyinkan ay ka dambeeyaan shakhsiyaad Kenyaan ah iyo kuwo ajaaniib ah.
Waxay tusaale u soo qaadatay afduubkii dhawaan hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Uganda Kizza Besigye loogu gaystay xaafadda Riverside ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa ay sheegtay in ay xasuusinayaan madaxweynaha dalka William Ruto in dalka uu leeyahay dastuur mudan in loo hoggaansamo.
Hadalka Martha Karua ayaa imaanaya iyadoo cadaadis isa soo taraya lagu hayo dowladda si ay u caddeyso ku lug lahaanshaheeda falalka afduubyada ee la soo tabiyay.
Hasa ahaate, dowladda ayaa meesha ka saartay inay gacan ka gaysatay falalkan.