Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya askar ka tirsanayd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo galinkii dambe ee shalay qabiil ahaan loogu dilay nawaaxiga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Inta la xaqiijiyay ilaa 6 askari oo fasax ahaa kuna siijeeday gobolka Hiiraan iyo darawalkii waday gaariga ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana la sheegay in labo askari oo kale in dhaawac iyagoo ah ay baxsadeen.
Dilka askartan fasaxa ahayd ee doonayay in qoysaskooda wakhti la soo qaataan ayaa waxaa gaystay maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulnaa, kuwaas oo si arxan darro ah u toogtay dhammaan askarta oo ahaa rag dhallinyaro ah.
Askartan ayaa dhammaan madaxa laga wada toogtay kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Xawaadle, waxaana xusid mudan in toddobaadyadii la soo dhaafay deegaanka Ceelbaraf iyo deegaano kale oo ku yaalla xuduudda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay ka dhaceen dagaallo khasaaro badan gaystay oo dhexmaray beelaha Xawaadle iyo Abgaal.
Ugu dambeyntii, falkan ka dhacay aaga deegaanka Ceelbaraf ayaa ah mid si weyn u hadal hayaan shacabka Soomaaliyeed oo falkaasi ku tilmaamay wax aad looga xumaado, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale sanad iyo dhowr bilood ka hor aagga Ceelbaraf loogu laayay askar la socotay gaari shacab, kuwaas oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya, islamarkaana ay iyagana ahaayeen askar u dhalatay beesha Xawaadle.
Dhanka kale, madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagaxa lahaa ee lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa uu kaga tacsiyeeyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, guud ahaan shacabka gaar ahaan qoysaskoodii.
Cali Guudlaawe ayaa faray laamaha amniga in 24 saac gudahood in sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug yeelato dhacdadan oo ka dhacday deegaan u dhow degmada Ceelbaraf.
Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa bulshada Hirshabeelle ugu baaqay inay ka fogaadaan dhacdo kasto oo wax u dhimayo amniga iyo wadajirka bulshada.
Sidoo kale, taliyaha ciidanka booliiska maamulka Hirshabelle Xasan Dhicisoow Xasan ayaa ka tacsiyeeyay askartii lagu laayay duleedka degmada Ceelbaraf.
Waxaa uu ballan qaaday in maamulka Hirshabelle aysan marnaba ka hari doonin ilaa laga soo qabto gacan ku dhiigleyaasha.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Askar ka tirsanayd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qabiil ahaan loogu dilay...