Waxaa Bartamaha Qaza ee dalka Falastiin lagu dilay mid ka mid ah ciidamada difaaca ee Israa’iil.
Waxaa sidatan xaqiijiyay militariga Israa’iil oo sheegay in dilka uu ka dhacay Marinka Qaza.
Amit Levi oo 35 sano jir ahaa ayaa ka tirsanaa guutada qaabilsan dagaallada gaarka ah.
Tani ayaa tirada ciidamada militariga ee Israa’iil ee lagu dilay Qaza inta uu socdo duullaanka dhuleed ka dhigaysa 392 sarkaal.
Dhanka kale ,Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa sii xoojiyay duqeymaha ay ka fulinayaan xerada qaxootiga ee Tulkarem ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in halkaasi la geeyay saraakiil dheeraad ah.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii la dilay 8 qof oo ay ka mid ahaayeen labo dumar ah iyo wiil dhallinyaro ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duullaanka militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay in ka badan 45,361 oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 107,803 kale.