Booliiska dalka oo beeniyay in ay ku lug leeyihiin afduubyada la soo tabiyay

0
386

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Douglas Kanja oo bayaan soo saaray ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay saraakiisha ammaanka ee ah in ay ku lug leeyihiin dhacdooyin lagu afduubtay qaar ka mid ah dhallinyarada adeegsada baraha bulshada.
Waxaa uu caddeeyay in uunan jirin saldhig booliis oo hadda lagu hayo dadka la waayay.
Kanja ayaa sheegay in waajibka dastuuriga ah ee booliiska uusan ahayn afduub balse in la xiro dambiilayaasha.
Waxaa uu dhanka kale cid waliba oo haysa xog ku saabsan shakhsiyaadka la la’yahay uu ka codsaday in ay warbixin u gudbiso saldhigga ugu dhow ee booliiska.
Sidoo kale, waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in ay si xilkasnimo leh u adeegsadaan xaqa ay u leeyihiin muujinta dareenkooda.
Kanja ayaa eedeymaha ku tilmaamay kuwo looga gol-leeyahay in lagu dhaawaco sumcadda adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Waxaa uu dadweynaha uga digay faafinta warbixinnada been abuurka ah .
Douglas Kanja ayaa intaasi ku daray in maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) uu hadda baaraya afduubyada dhacay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay murugeysan yihiin qoysaska iyo ehellada ilaa afar dhallinyaro ah oo dhawaan la waayay ilaa iyo haddana aan meel lagu ogeyn.
Waxaa ugu dambeeyay Kibet Bull oo uu magaciisa rasmiga ah yahay Gideon Kibet.
Qoyskiisa ayaa sidoo kale sheegay in walaalkii oo lagu magacaabo Rony Kiplangat aynan isna arag tan iyo Sabtidii.
Waxaa sidoo kale horay loo waayay Bernard Kavuli, Peter Muteti iyo Billy Mwangi .
Dhallinyaradan ayaa la waayay ka dib markii ay qoraallo soo dhigeen baraha bulshada.
Qaar ka mid ah da’yartan ayaa lagu eedeyay in ay barta X soo geliyeen sawirro lagu naqshadeeyay garaadka macmalka ee AI-da kuwaasi oo lagu shactireynaya hoggaamiyaha qaranka.