Tana River:Meydadka 2 arday oo webi ku dhacay oo la helay

0
428

Kooxaha samatabixinta ayaa soo saaray meydadka labo arday oo dhiganayay dugsiga hoose dhexe ee Haroresa kuwaasi oo ku dhacay webiga River Tana.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 5:30 galabnimo ee shalay.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in meydadka la helay ay yihiin wiil iyo gabadh ay da’doodu kala tahay 10 iyo 12 sano.
Waxaa weli la raadinaya labo canug oo kale oo la rumeysan yahay in iyagana biyaha quuseen.