Nin Kenyaan ah oo ku eedeysan dil oo lagu xiray Maraykanka

0
222

Nin Kenyaan ah oo 32 sano jir ayaa lagu xiray dalka Maraykanka ka dib markii meydka haweeney la waayay laga dhex helay gaarigiisa habeenimadii ay Sabtida soo galeysay.
Meydka ayaa la arkay ka dib markii asxaabta haweeneydan ay gudbiyeen warbixin la xiriirta in ay goobteeda shaqo ka maqnayd dhowr maalmood.
Saraakiisha booliiska ee waaxda Aberdeen ayaa billaabay baaritaan kaasi oo ugu dambeyn suurtageliyay in la soo helo meydka Tracy Nyariki.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Nobert Matara ayaa hadda ku jira xabsiga booliiska ee magaalada Aberdeen ee gobolka Washington.
Waxaa lagu wadaa in dib loogu celiyo gobolka Delaware si uu u wajaho eedeymo dil ah.
Si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa sheegay in laga yaabo inuu wajaho dacwado kale marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.