Ururka qareennada dalka ee (LSK) ayaa dalbaday in si degdeg ah loo soo siidaayo Billy Mwangi iyo Peter Muteti oo ah dhallinyaro dhawaan la xiray.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in da’yartan la afduubtay .
Madaxa ururka qareennada waddanka ee LSK Faith Odhiambo ayaa cambaareysay afduubyada la soo tabiyay waxayna sheegtay in ay liddi ku yihiin xaquuqda shacabka.
Faith ayaa laamaha ammaanka kula talisay in la tixgeliyo xuquuqda dastuuriga ah oo haddii uu qofku wax dembi ah sameeyay maxkamadda la soo taago.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay dalbayaan in si shuruud la’aan ah ay Billy Mwangi iyo Peter Muteti dib ugu helaan xurriyadooda.
Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Douglas Kanja uu sheegay in saraakiisha ammaanka aynan ku lug lahayn dhacdooyinka afduubka ah.
Waxaa uu tilmaamay in ay safka hore uga jiraan difaaca xuquuqda dadweynaha.
Taliyaha ayaa horay u shaaciyay in laga soo billaabo 22-kii bishii Lixaad ee sanadkan la waayay 57 qof.
22 ka mid ah dadkan ayaa la helay iyagoo nool, 2 waxaa la helay meydadkooda halka 29 kalena la la’yahay.
Waxaa uu xusay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaanno dabagal ah oo arrimahan la xiriira.