Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa booqasho ku tagay ismaamulka Lamu.
Deegaanno ku yaalla ismaamulka Lamu ayaa ka mid ah meelaha sida xun ay u saameeyeen dhacdooyinka la xiriira falalka argagixisada, kuwaas oo barakiciyay dad badan.
Waxaa uu hoggaaminayay saraakiil sarsare oo ammaanka ah kuwaas socdaal qiimeyn amni ku tageen dowlad deegaankaasi.
Waxay boqdeen keynta Boni oo ay howlgallo amni ka socdaan.
Saraakiisha ayaa kormeerkooda ka billaabay saldhigga ciidamada badaha dalka ee Kenya Navy ee xerada Manda Bay.
Taliyaha guud ee booliiska waddanka ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan halka uu marayo howlgalka amni ee keynta Boni ka dhageystay sarreeyo guuto L P Wafula iyo taliyaha ciidamada badaha dalka ee saldhigga Manda Bay J.K. Maiyo.
Waxaa howlgallada amni ee ka socda deegaanka Boni hoggaaminaya taliska waaxyaha amniga ee iskudhafka ah si wax looga qabto khataraha amni.
Kanja ayaa bogaadiyay kooxaha amniga ee iskudhafka ah ee howlgallada halkaasi ka wada.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dowlad deegaannada kale ee dalka ay xasillooni ka jirto.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ayaa sidoo kale booqday xeerad ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee (GSU-da) ee degmada Mokowe ee ismaamulka Lamu.
Waxaa uu halkaasi kula kulmay waaxyaha booliiska qaybahooda kala duwan oo uu warbixin ka dhageystay.
Waxaa Kanja kormeerka amni ee ismaamulka Lamu ku wehelinayay ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ee qaybta maamulka Mr. Gilbert Masengeli, dhigiisa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da Ranson Loolmodoni, taliyaha qaybta booliiska xuduudaha James Kamau, afhayeenka booliiska waddanka Dr. Resila Onyango iyo saraakiil kale.