Maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa soo saaray ogaysiis ku socda shirkadaha wax soo saara, kuwa wax soo dejiya iyo kuwa keena badeecadaha.
Waxaa lagu wargeliyay in uu jiro isbeddel dhanka canshuurta ah.
KRA ayaa wargelinta ku sheegtay in ay kordhisay canshuurta sonkorta dibadda laga keeno taas oo markii hore lagu canshuuri jiray halkii kiilo min 5 shilin halka qiimahaasi hadda laga dhigay 7.5 shilin.
Si kastaba ha ahaatee, heerkan cusub ayaanan qabanayn ama khuseyn sonkorta ay soo dejiyaan shirkadaha sonkorta sifeeya ee ka diiwaangashan dalka.
KRA ayaa sidoo kale ku dhawaaqday kordhinta canshuurta laga qaado alaabada ay ku jirto maadada nikotiinka.