Dambi baarayaasha dalka oo saxiixay heshiiska waxqabadka

0
154

Saraakiisha sare ee waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa saxiixay heshiiska waxqabadka ee sanad maaliyadeedka 2024/2025-ka.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagula xisaabtamaya ciidamada iyo si guud shaqaalaha dowladda.
Taliyaasha sare ee qaybaha kala duwan ee waaxda dambi baarista dalka ayaa heshiiskan ku saxiixay xarunta dhexe ee DCI-da.
Waxaa arrintan goobjoog u ahaa ku xigeenka madaxa waaxdan John Onyango, oo matalayay Maxamad Ibraahim Aamiin.
Saraakiisha ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin in ay qaranka ugu adeegaan si hufan oo waafaqsan xeerarka dastuuriga ah.
Waxay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday.