Hoggaamiyaha xisbiga Narc-Kenya Martha Karua ayaa ku eedeysay maamulka madaxweyne William Ruto inuu ka dambeeyay afduubyo xiriir ah oo ka dhacay Kenya Lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Xilli ay wareysi gaar ah siinaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayay Karua si qiiro leh u sheegtay in ay jiraan kooxo qarsoon oo ka kooban ajaanib iyo Kenyan oo laga soo xulay militariga iyo kuwa ka baxsan booliiska.
Waxay carrabka ku adkeysay in kooxahan ay gaystaan afduubyo iyo dilal.
Martha Karua ayaa hoosta ka xarriiqday in kooxahan ay ka kooban yihiin dad u dashay Uganda iyo Burundi kuwaas oo intooda badan leh khibrad ciidan.
Waxay tusaale u soo qaadatay afduubkii hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Uganda Kizza Besigye loogu gaystay dalkani Kenya .
Waxay ku andacootay in siyaasigan ay xireen saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda oo la shaqeeynayay kuwa Kenya.
Mar la waydiiyay in ay caddeyso eedeynta ayay madaxa xisbiga Narc-Kenya Martha Karua su’aal gelisay sida dad ajaaniib ah loogu afduuban karo gudaha waddanka iyadoo dowladdu aynan ka war qabin.
Waxay sidoo kale madaxweyne Ruto ku eedeysay inuu si ula kac ah u bartilmaameedsaday dhallinyarada si kaftan ah u muujisay diidmada ka dhanka ah hoggaamintiisa .
Hasa ahaate , taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa ka jawaabay eedeymaha wuxuuna difaacay adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Taliyaha ayaa meesha ka saaray sheegashada ah in askar boolis ah ay ku lug leeyihiin afduubyada ka dhacay dalka.
Kanja ayaa carrabka ku adkeeyay qaabka wada shaqaynta ee hay’adaha amniga Kenya isagoo cadeeyay in boolisku ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ay ka midka yihiin Adeegga Sirdoonka Qaranka (NIS), maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) iyo waaxda dacwad oogidda dalka.
Muranka ka dhashay afduubyada ka dhacay gudaha Kenya ayaa dib u soo celiyay cabsida laga qabo in ay soo laabtaan dhaqamada ka baxsan sharciga si loo aamusiyo dadka dhaliila dowladda.
Dhawaan ayay ahayd markii la waayay wiil dhallinyaro ah oo barta X ku soo bandhigay sawirka madaxweynaha dalka oo si shactireysan loogu naqshadeeyay garaadka macmalka ee loo yaqaano AI-da.