Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa beenisay sheegashada ah inay qorsheyneyso in wax ay ka beddesho shuruudaha ku biirista jaamacadda ee ardayda sanadkan u fadhiistay imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee waddanka Julius Ogamba, ayaa bayaan uu soo saaray maanta meesha ka saaray wararka sheegaya in dowladda ay doonayso in ay sare u qaado buundada ugu hooseyso ee loogu biiro jaamacadaha ee C+.
Waxaa uu beeniyay in buundada ugu hooseyso ee jaamacadaha loogu biirayo laga dhigayo B-.
Julius Ogamba ayaa sheegashadaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah iyo marin habaabin.
Waxaa uu ku boorriyay Kenyaanka, gaar ahaan waalidiinta iyo ardayda inay iska indhatiraan macluumaadka khaldan.
Wasiirka ayaa xusay in aaladaha isgaarsiinta ee wasaaradda waxbarashada lagu soo gudbiyo macluumaadka xaqiiqda ah ee tacliinta.
Wasaaradda waxbarashada ayaa u xaqiijisay kenyaanka in isbbedel kasta oo la sameynayo ee nidaamka waxbarashada la tashiyo laga sameeyo islamarkaana ogeysiis rasmi ah laga soo saaro.