Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa farriin hanjabaad ah u diray kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Waxaa uu sheegay in ay Xuutiyiinta ula dagaallami doonaan sida kooxaha argagixisada oo kale.
Afhayeenka garabka militariga ee kooxdan ayaa sheegay in ay Badda Cas aaggeeda ku soo rideen diyaarad dagaal oo ah US F-18 sidoo kalena ay ka hor tageen weerar ka dhan ahaa fariisimaha Xuutiyiinta ee gudaha Yemen.
Hanjabaadda Benjamin Netanyahu ayaa timid maalin un ka dib markii Xuutiyiinta ay gantaal ku tuureen magaaada Tel Aviv ee Israa’iil kaasi oo lagu dhaawacay 16 ruux.