DHAGEYSO:Barasaab ku xigeenka Tana River oo ku baaqay in ismaamulkaasi qayb laga siiyo xilalka wasiirnimo

0
214

Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Tana River Mahad Cali Loka ayaa madaxweyne William Ruto ugu baaqay inuu qof ka soo jeedo dowlad deegaankaasi u magacaabo xil wasiirnimo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii tani la tixgelin lahaa in ay aad ugu riyaaqi lahaayeen.

Guddoomiyaha Tana River ,Dhadho Godhana ayaa dhankiisa sheegay in sidoo kale ismaamulkaasi uu ka jiro dib u dhac la xiriira fulinta mashaariicda horumarineed ee dowladda dhexe.

Wakiilka deegaanka hoose ee Hirman, Ismaciil Kodobo ayaa dhankiisa xusay in kastoo uu jiro xoghaye ka soo jeeda Tana River haddana in madaxweynaha laga doonaya inuu sameeyo isku dheellitir goboleed iyo tixgelinta ismaamullada ku hooseeya dhanka horumarka marka uu shakhsiyaad u soo magacaabaya xilalka sare ee dowladda.