DHAGEYSO:Kalonzo oo ka falceliyay magacaabidii uu dhawaan sameeyay madaxweynaha

0
114

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa dhaliilay magacaabidii uu dhawaan sameeyay madaxweynaha qaranka William Ruto.
Waxaa uu sheegay in isku shaandheynta golaha wasiirrada ay tahay mid madaxweynaha uu ku doonaya inuu ku helo awood siyaasadeed oo dheeraad ah balse aan lagu xallinayn caqabadaha jira.
Kalonzo ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Machakos hoosta ka xarriiqay in tallaabada uu madaxweynaha qaaday laga dheehan karo dano shakhsiyeed.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshaha dowladda ee ku aaddan tallaalka xoolaha ee sanadka 2025-ka.