Nakuru: Saddex qof oo u dhimatay Khamri ay cabeen

0
197

Wararka naga soo gaaraya deegaanka hoose ee Lanet ee ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Bahati ee ismaamulka Nakuru ayaa sheegaya in 3 qof ay dhinteen ka dib markii ay cabeen daroogada nooca Khamriga ee sharci darrada ah.
Sarkaalka caafimaadka ee ugu sarreeya isbitaalka weyn ee dowlad deegaanka Nakuru James Waweru ayaa xaqiijiyay in labo qof oo da’doodu tahay 37 iyo 41 sano jir ay dhinteen xilli lagu daweynayay xaruntaasi caafimaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qofka saddexaad xaruntaasi la geeyay isagoo meyd ah.
Sarkaalka caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in dadkan ka hor inta aysan dhiman ay dareemeen daciifnimo, islamarkaana ay aragooda waayeen.
Ilaa hadda ma cadda halka laga keenay Khamrigan sababay geerida saddexda qof.
Mid ka mid ah saddexda qof ee geeriyootay ayaa la sheegay inuu Khamriga kenay islamarkaana uu la wadaagay saaxiibbadiis.
Laamaha ammaanka ee ismaamulkaasi ayaa haatan wado baaritaan ku aadan dhacdadan sababtay geerida 3-da qof.
Qaar ka mid ehellada dadkii ku nafwaayay cabidda Khamriga ayaa la hadlay warbaahinta.